Home - Wararka Somalia - Wasiirka Caafimaadka Jabuuti iyo Dhakhaaatiir la socotay oo Muqdisho soo gaaray.

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti iyo Dhakhaaatiir la socotay oo Muqdisho soo gaaray.

Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad weyn oo ay leedahay Dowladda Jabuuti oo kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday shaqaale Caafimaad oo gaaraya 30 Kuwaas oo Muqdisho ku sugnaanaya inta laga daweynayo dadka ku waxyeeloobay Qarixii xoogaanaa ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Djibouti, Jaamac Cilmi Cukuye oo hogaaminayay Shaqaalahan Caafimaad ee Muqdisho yimid ayaa sheegay iney ka argagxeen Dhibaatada ka dhalatay Weerarkii xooganaa ee Soobe kaas oo lagu dilay dad gaaraya 300 oo Qof.

Diyaarada Jabuuti ee Muqdisho soo gaartay ayaa waxaa sidoo kale saaran Daawo Caafimaad oo dadka dhaawacyada ah loogu talagay.

Wafdigan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno kamid ah Wasiirada Somaliya, Sawirro tilifoonka gacanta lagu soo qaaday ayaa muujinaya iyadoo dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha Caafimaad ay gudaha usoo galayaan garoonka.

“Djibouti waxaan uga mahadcelinayaa in ay daawo, dhakhaatiir iyo shaqaale kale oo caafimaad oo 30 gaaraya ay ugu deeqday Soomaaliya”.ayuu yiri Wasiir Garaad.

Jabuuti ayaa ah Dowladdii labaad ee ka soo Jawaabta baaqii Dowladda Somaliya iyadoo Saaka Muqdisho ay soo gaartay diyaarad milatari oo ka socotay Dalka Turkiga, waxa ay garoonka ka qaaday ku dhawaad 40 qof oo kamid ah dhaawacyada daran.

One comment

  1. z9Lj5M Lovely blog! I am loving it!! Will come back again. I am taking your feeds also