Home - Wararka Somalia - Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka oo la kulmay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka oo la kulmay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Kulankaan ayee kaga wada hadleen Xafiiska Cabashooyinka Dadweynaha oo Todobaadkaan laga furay Magaalada Muqdisho, Xafiiskaan oo ay garyaqaano badan Ka muujiyeen in ay suura gal tahay in uu saameyn Ku yeesho habsami u socodka howlaha garsoorka.

Taniyo furitaanka Xafiiskaan waxaa jiray jawaab celinta kasoo baxaye Sharciyaqaanada oo lagu sheegay in Shaqo ahaan uu saameynayo Hay’adaha sida Maxkamadaha.

Ujeedka Xafiiskaan ayaa la sheegay in uu qaabilo cabashooyinka Dad weynaha ay qabaan, Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ay wax ka badaleyso hab shaqeydka hay’adaha Garsoorka oo lagu eedeeyo in Musuq iyo Cadaalad daro uu ka dhex jiro, Madaxweyne Farmaajane wuxuu horay u sheegay in Cadaalad darada ay wax ka qabaneyso Dowladda.

Falanqeyn dheer kadib Waxey labada mas’uul isla garteen Sadaxdaan Qodob:-

1-In Madax banaanida Garsoorka ay tahay Lama Taabtaan.

2-In Wasaaradda Cadaaladda si Cad u qeexdo Howlaha Xafiiska iyo Waajibaadkiisa.

3-iyo  In howlaha xafiiskaas uu noqdo kuwa aanan ka hor imaaneyn Dastuurka iyo Shuruucda kale ee Dalka isla markaana aan qabad Ku ahayn habsami u socodka Garsoorka.

 

Wasiirka Cadaaladda iyo Garoorka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muddo kooban laga sugayaa in uu soo qodobeeyo sadaxdaas Qodob kahor inta uusan si toos ah u Shaqo bilaabin Xafiiskaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*