Home - Siyaasada - Wasiirka Gaashaandhigga oo is casilay,isna diiwaangeliyay

Wasiirka Gaashaandhigga oo is casilay,isna diiwaangeliyay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa maanta iska casilay xilka Wasiirka gaashaandhigga,waxaana uu isu diiwaangeliyay tartanka guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.

Mursal,waxaa uu ka mid noqday tiro Wasiirro,Wasiir ku xigeenno iyo xildhibaanno isu sharraxay xilka guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.

Iscasilaaddiisa kaddib waxaa uu tagay xarunta Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka halkaas oo uu iska diiwaan geliyay kana qaatay Shahaaddada u oggolaaneysa in uu tartankaas ka qeybgalo.

Isdiiwaangelinta  ayaa waxaa ay ku egtahay shanta Galabnimo,waxaana ilaa hadda is diiwaangeliyay musharrixiin dhowr ah,iyada oo shalay kaliya Guddiga ay shaaciyeen shan Musharrax oo isu diiwaangeliyay xilka Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.

Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo 30-ka Bishan April 2018,sida ku cad jadwalka ay baahiyeen Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.