Home - Wararka Somalia - Wasiirka waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Wasiirka waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa kormer  waxa u ku maray Iskuulka Gabdhaha agoonta, iskuulka indholayasha iyo iskuullo   kale oo ay dhigtan dadka danyarta ah caruurtooda iyo kuwa Baahiyada Gaarka ah qaba.

Wasirka ayaa mid mid u booqday fasalada ardaydaas ay wax ku bartaan, isagoona xog wareystay ardayda iskuuladaasi, si uu o ogaado hanaankooda waxbarashada.

Wasirka waxbarasha ayaa kormeerkiisu kolkii uu soo idlaaday uu warbaahinta u sheegay in in u jeedka socdaalkiisu uu ahaa ogaanshiyaha dadka danta yar ee carruurtooda waxbarata iyo dadka baahiyada gaarka qaba.

Wasiirka ayaa warbaahinta la wadaagay tirada arday ee uu kusoo arkay goobaha waxbarasho maanta uu tagay.

C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa mar uu ka hadlaye Xeerka Waxbarashada iyo Xuquuqda uu siinayo dadka danta yar waxa uu sheegay in Sharcigaas uu si fiican u qeexayo sidii wax loogu qaban lahaa.

Wasiir C/raxmaan ayaa tibaaxay in uu u doodi doono ka wasiir ahaan sidii ay ardayaan xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Tan iyo Bur-burkii Dowladii dhexe ee dalka Goobaha waxbarashada waxaa si gaar ah u maamulaye shaqsiyaad, waxayna isku badaleen kuwo lacag lagu dhigto, ardayda qaar oo waalidiintooda awoodin bixinta lacagahaasi ayaa ku waayey waxbarashada