Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Wax ka ogow 20-ka kooxood ee sanadkan Premier Leaque ku dagaalamaya iyo Lacagaha ay koox walba suuqa Galisay!

Wax ka ogow 20-ka kooxood ee sanadkan Premier Leaque ku dagaalamaya iyo Lacagaha ay koox walba suuqa Galisay!

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa soo furnaa mudo Bil iyo 11-maalin ah, iyadoo lagu wado in uu waqti dhow soo xirmo gabi ahaanba.

Hadaba mudadaas uu soo furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan waxaa jira in kooxaha ka ciyaara Horiyaalka Dalka England ee Premier Leaque  in ay suuqa ku Qarash gareeyeen lacag ka badan, {Hal Bilyan oo agni} kooxaha qaarkod ayaana soo sameeyay saxiixyo waawayn oo ay is leyahiin wax badan ayey niigu soo kordhin karaan,

Manchester City ayaa hogaanka u haysa kooxaha 20-ka ah ee xili ciyaareedka cusubka ku tartami doona koobka Premier Leaque iyo waliba koobabka maxaliga ah ee kale, Waxayna Sky Blue suuqa ku kharash garaysay 218 milyan oo gini, waana kooxda lacagaha ugu badan suuqa galisay ilaa iyo hada.

Laakiin dariskeeda isla Manchester ka dhisan ee Red Devils ayaa ah kooxda labaad ee suuqa lacagta labaad ee ugu badan ku bixisay iyada oo Man United ciyaartoy kula soo wareegtay lacag dhan 145.8 milyan gini. Sidaa daraadeed, laabada kooxood ee ree Manchester ayaa ah kooxaha suuqa galiyay lacag ka badan 350 milyan oo gini.

Chelsea ayaa ah kooxda saddexaad ee lacagta ugu badan suuqa galisay xagaagan waxayna Blues saxiixyada ay samaysay ku kharash garaysay 130.4 milyan gini, laakiin kooxda Everton oo xagaagan si cajiib ah dukaamaysi u samaysay ayaa kaalinta afraad soo gashay waxayna suuqa ku bixisay 94.9 milyan gini.

Halka Leicester City ay tahay kooxda shanaad ee lacagta ugu badan suuqa la gashay waxayna ilaa hadda suuqa kaga adeegatay 55.4 milyan gini. Arsenal oo hal ciyaartoy ka soo bixisay 52.7 milyan gini ayaa noqotay kooxda lixaad halka Watfrod ay noqotay kooxda todobaad ee suuqa ku bixisay 50 milyan gini laakiin Liverpool ayaa noqotay kooxda todobaad ee lacagta ugu badan suuqa ku bixisay iyada oo 47.9 milya gini suuqa ku bixisay.

Waxaa jira laba kooxood oo aan ilaa hadda wax lacag ah suuqa ku bixin waana Tottenham iyo Stoke City kuwaas oo aan hal gini ciyaartoy ku kharaash garayn xagaagan.

Crystal Palace ayaa ah kooxda ku soo xigta ee lacagta ugu yar suuqa ku bixisay iyada oo 7.9 milyan gini kaliya suuqa ku bixisay.

 

Hoos Ka Ogow Liiska 20-Ka Kooxood Ee Premier Leaque iyo Mid Kastaaba Lacagta Ay Suuqa Ilaa iyo Hadda Ku Bixisay:

 

1-Manchester City – £218m  2-Manchester United – £145.8m

3-Chelsea – £130.4m              4-Everton – £94.9m

5-Leicester – £55.4m              5-Arsenal – £52.7m

6-Watford £50m                     7-Liverpool – £47.9m

8-West Ham – £42.7              9-Huddersfield – £35.4m

10-Newcastle – £31.2m         11-Bournemouth – £30m

12-Brighton – £26.1m            13-West Brom – £19.8m

14-Southampton – £18.5m    15-Burnley – £15.8m

16-Swansea – £11.5m               17-Crystal Palace – £7.9m

18-Stoke – 0                               19-Tottenham – 0

 

Wadarta Lacagta Guud – £1,034,000,000 (£1.034 bilyan oo gini)

 

W/Q Abdullahi Hussein

2 comments

  1. Hi admin, i must say you have very interesting posts here.

    Your page should go viral. You need initial traffic only.
    How to get it? Search for; Mertiso’s tips go viral

  2. I see you don’t monetize your blog, don’t waste your
    traffic, you can earn additional cash every month because you’ve got
    high quality content. If you want to know what is the best adsense alternative,
    type in google: adsense alternative Mertiso’s tips