Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kullanka: “Brighton & Hove Albion Vs Man City”

Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kullanka: “Brighton & Hove Albion Vs Man City”

Kooxda Manchester City ayaa kullankeda ugu horeeyo horiyalka Premier League ku ciyaari doonta meel ka baxsan garoonkeeda, caawa ayeyna kooxda Horiyaalka ku cusub ee Brighton & Hove Albion Marti u noqon doontaa.

Man City ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabato horyaalka Premier league gacanta ku dhigto saddexda dhibcood ee kulanka si ay niyadu ugu dhisanto xiddigeheeda.

Dhanka kale kooxda horyaalka premier league ku cusub ee Brighton ayaa doonaysa ay ka yaabsato kooxda City saddexda dhibcood ee kulankana ka fara maroojiso kooxda tababare Guardiola.

XOGTA KULLANKA:

Brighton & Hove Albion Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 fiidnimo

Garsoore: Michael Oliver

Garoonka: The American Express Community Stadium

 

WARARKA LABADA KOOX KA HOR KULLANKA:

Kulankii ugu dambeeyay ee dhex maray kooxaha Brighton iyo Man City ayaa ahaa sanadkii 2008 kulankaas oo ahaa FA Cup-ka waxana rikoorayaal ku badisay kooxda Brighton.

Tababaraha kooxda Brighton ee Chris Hughton ayaa badiyay hal kulan 6-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Premier league intii uu tababaraha ahaa 3 jeer waa laga badiyay 3 jeer oo kale wuu bar-bareeyay.

Kooxda Man City ayaa dhamaan badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku furatay horyaalka Premier league waana rikoorkii ugu fiicanaa ee tartanka.

Sergio Agüero ayay u suuro gashay in uu 5 gool dhaliyay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee  Furitaanka horyaalka Premier league.

Brighton ayaa ah kooxdii 31-aad ee uu Sergio Agüero ka hor yimaado horyaalka Premier league isaga oo 30 kooxood gool ka dhaliyay kaliya kooxda Brighton ayuuna shabaqeeda soo taaban.

Tababare Pep Guardiola ayaa badiyay 6-dii kulan ee ugu horeeyay tartamada yurub intii uu tababaraha ahaa isaga oo guuldaraystay hal kulan wakhtigaas oo ahaa 2008 isaga oo tababare u ahaa Barcelona.

Brighton ayaa kaliya hal kulan badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee kulamada furitaanka horyaalka Premier league halka laga badiyay 3 hal kulana bar-baro ayay gashay.

 

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOX:

 

Pep Guardiola Ayaa doonaya in uu guul ku furto si uu Horiyaalka ugu tartamo.

 

BY: Abdullahi Hussein