Home - Faalooyinka - Weerarrada Mareykanka ee Somaliya 2001-2016,Q.13aad
Ciidamo Mareykan ah oo ka dagaalamaya Sh/Hoose, Somalia

Weerarrada Mareykanka ee Somaliya 2001-2016,Q.13aad

January 26 2014kii 9 Qof ayaa dhimatay kaddib markii Diyaaradaha gaarka ah ee Mareykanka ay ku fashilmeen dilka Axmed Cabdi Godane oo ay bartilmaameedsanayeen

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa labo Carruur ah,waxaana weerarkaas kaddib ay Al-shabaab gacanta ku dhigeen Labo Qof oo lagu eedeeyay in ay basaas u yihiin dowladda Holland,weerarkaasna hagayeen,labada qof ayaa midkood ku dhaawacmay weerarkaas waxaana kan kale uu ku waayay labo Gabdhood oo uu dhalay

Weerarkaas waxaa ku dhintay dad shacab ah laakiin durba lama ogaan mana jirin warar horudhac ah oo sheegay,hayeeshee Axmed Godane waxaa uu ka badbaaday weerarkaas xitaa isaga oo aan dhaawacmin,waxaana uu dhintay 1dii September isla sanadkaas 2015kii.

Waxaase dadka dhintay ka mid ahaa Taliye ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Sahal Isku dhiiq,ama Axmewd C/Qaadir,VOA-da ayaa baahisay in iskudhuuq uu ka mid ahaa saraakiisha ugu dhow ee hoggaamiyaha Al-shabaab,waxaa uu ahaa Soomaali dibadda ku soo tababartay soona dagaallamay Soomaaliyana Ciidanka Al-shabaab tababari jiray.

Labada Mas’uul waa Goden iyo Iskudhuuq,waxaa ay habeenkaas lahaayeen kulan gaar ah,waxaana doortay in uu Gaari gaar ah qaato Axmed Godane,dad badan ayaa loo xir xiray tuhunka weerarkaas oo ka dhacay meel u dhow degmada Baraawe ee Shabeellaha hoose.

Abuu Muxamed oo ka tirsan Al-shabaab ayaa u sheegay VOA in isku dhuuq uu Al-shabaab u qaabilsanaa afduubka ajaanibta iyo heshiisyada madaxfurashada lagu siideynayo dadka la soo afduubto,waxaase uu markii dambe ku biiray qeybta sirdoonka ee Al-shabaab,waxaa ay aad isugu dhawaayeen xagga wada shaqeynta Axmed Godane iyo Canta Canta oo Octoobertii hore la dilay.

Al Shabaab commander Abu Mohamed told Associated Press Iskudhuq “had previously been in charge of kidnappings of foreigners and ransom deals for the group but recently turned to working with its intelligence unit”. Voice of America reporter Harun Maruf tweeted further details about Iskudhuq:

Al-shabaab waxaa ay isla maalinkaas xireen 17 Qof oo ay afar ka mid ah iyaga ka mid ahaayeen weerarkaas ayaa lagu tuhmayay in ay ku lug lahaayeen sida ay sheegtay AP iyo Reuters waxaa sidoo kale dhintay wade gaari,Oday degaanka ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Ciidan ka tirsan Al-shabaab oo raadinaya dadka la shaqeeya sirdoonka Mareykanka ay u yimaadeen islamarkaan weydiiyeen in uu meel ku sheego dadka noocaas ah haddiiba uu ogyahay,waxaase uu ku jawaabay in arrintaas ay qatarteeda lahayd oo ay isagaba cabsi badan ku heysay.

Nooca weerarka : Cirka

Goobta:Haawaay,Shabeellaha hoose

Tixraac: Associated Press, RBC Radio, Dhanaan, Reuters, AFP, DPA, Associated Press, RBC Radio, Long War Journal, CNN, Voice of America

January 29 2014kii BBC-da ayaa wareysatay Xubin ka mid ah Al-shabaab saddex bilood kaddib weerarkii Westgate,kaas oo ay ku dhinteen 70 Qof,waxaa uu sheegay in uu ku biiray Al-shabaab 2007dii,magaciisa waa la qariyay waxaana uu sababata uu ugu biiray Al-shabaab ku sheegay in uu ka soo jeeday Qoys sabool ah isaguna uu ahaa shaqo la’aan,waxaana uu ku sheegay in uusan jihad ugu biirin Al-shabaab balse ay dan u geysay.

Bartamihii Sanadkii -2014,1-5 Rayid ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii weerar lagu qaaday tuulada Faraguroow oo ku taalla agagaarka Degmada Jilib,sidaas waxaa Qaramada Midoobey u sheegay dadka degaanka,dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Labo Carruur ah iyo Haweeney ka mid ahayd dadka degaanka.

Goobta:Faraguroow,Jilib

Tixraac , United Nations

♦ 8 Rayidka dhaawacmay,weerarkaas waxaa uu ka dhacay Jasiiradda yare e Kudhaa,waxaa ay 160KM u jirtaa Kismaayo,Haweeney ka mid ah Dadkii degaanka ka soo cararay ayaa u sheegya Wariyayaasha Caddaaladda ee Kenya,waxaa weerarkaas sheegtay AMISOM oo ku tilmaantay in 50 Al-shabaab ah ay ku dileen Kudhaa

Goobta  :Kudhaa

Tixraac: Journalists for Justice

September 2014kii Labo qof oo haweeney iyo Cunug yar ah ayaa ku dhintay Tuulada Garbatullah oo sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ku taalla,weerarkaas waxaa geystay diyaaradaha Kenya ee Ciidankooda jooga Soomaaliya la shaqeynayay.

September 1 2014kii 6 Qof ayaa ku dhimatay weerarkaas waxaa dadka dhintay ka mid ahaa hoggaamiyihii Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan Abuu Xubey,loona yaqaannay Axmed Cabdi aw Maxamed Godane,weerarkaas waxaa uu dhacay 7 bilood kaddib weerarradii ay Mareykanka ka fulin jireen Soomaaliya,Gaari ka mid ah kuwa Al-shabaab,waxaa saarnaa Abuu Zubeyr iyo Rag ka tirsanaa Al-shabaab, Diyaaradda duqeysay waxaa ay ka soo duushay Markab Mareykanka uu leeyahay oo yaalla Badda Soomaaliya,Dowladda Mareykanka,Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa muddo ka aamusnaa cidda weerarkaas ku dhimatay

Maalin kaddib Abuu Muxamed oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xaqiijiyay Geerida Axmed Godane oo uu sheegay in uu ka mid ahaa Axmed Godane,sida uu u sheegay Reuters,waxaan hubaa in uu saarnaa gaariga laakiin ma xaqiijin karo geeridiisa ayuu yiri Abuu Muxamed.

5 Maalmood kaddib weerarkaas ayaa la xaqiijiyay geerida Axmed Godane,waxaase la dhintay saraakiil kale oo muhiim u ahaa dagaalka ka dhanka ah mareykanka.

Abuu Zubeyr waxaa uu ahaa 37 jir,waxaa uu u tababartay Shirkad Diyaaradeed oo uu xisaabiye ka ahaa,sida ay sheegtay Telegraph,waxaa uu maamulka Al-shabaab la wareegay 2008ddii kaddib markii uu dhintay Ninkii isaga ka horreeyay ee Aadan Xaashi Ceyroow,kaas oo 1dii may lagu dilay Gantaal laga soo tuuray Badda.

Axmed Madaxiisa waxaa saarnaa $7milyan oo dollar oo ay Dowladda Mareykanka ku ballan qaadday ciddii keenta xog la xiriirta halka uu ku sugan yahay, labo maalin kaddib markii la xaqiijiyay geerida Abuu Zubeyr Al-shabaab waxaa ay ku dhawaaqeen Ninkii isaga beddeli lahaa,waxaana loo magacaabay Axmed Cumar sida ka muuqatay muuqaal loo diray TV-ga Al-jazeera oo baahiyay munaasibaddii lagu magacaabayay Amiirka cusub ee Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa durbadiiba ku dhawaaqday in Madaxa Axmed Cumar oo ah Amiirka beddelay Abuur Zubeyr ay ku bixineyso $3milyan oo Doollarka Mareykanka ah lana siinayo ciddii soo sheegta halka uu joogo.

Geerida Godane oo todobaad qarsooneyd Dolwadda Mareykanka ayaa soo saareysay warbixinno iskhilaafsan oo la xiriira nolosha Axmed Cabdi Godane.

Afhayeen u hadlay Pentagonka Mareykanka oo lagu magacaabo Diyaarad ay Turkish Airline ku deeqday gurmadka Abaarta Soomaaliya ayaa 60 Tan oo Raashin ah keentay Muqdisho,waxaa ururiyay AJaanib baraha bulshada ka ololeya.,ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarka lagu dilay Axmed Godane uu dhacay 1dii September 2014kii,taas oo uu ku sheegay in ay ahayd guul laga gaaray Al-shabaab.

Waxaa uu yiri “in Axmed Godane laga saaro goobta dagaalka waa guul weyn oo Mareykanka iyo saaxiibadiisa u hoyatay waxaana ay dhabar jab ku tahay Al-shabaab”,waxaa uu intaas raaciyay in Dowladda Mareykanka ay ka go’antahay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyo Al-Qacidda iyada oo caawineysa sida uu yiri saaxiibada Mareykanka ee Caalamka.

Afhayeenkii hore ee Wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta isaga oo la hadlaya waxaa uu yiri: “geerida Axmed Godane waxaa ay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed,maxaa yeelay waxaa uu mas’uul ka ahaa dhimashada kumanaan Soomaali ah oo aan waxba galabsan isaga oo adeegsanayay kalmadda Jihaad”.

Godane waxaa uu Xarakada Al-shabaab mas’uul ka ahaa xilligii uu dhacayay weerarkii Westgate Mall ee Nairobi,halkaas oo Dad badan ay ku dhinteen.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u mahaceliyay Dowladda Mareykanka waxaana uu ku bogaadiyay qaarijinta Amiirkii hore ee Al-shabaab.

Waxaa uu yiri: “Abaal ayey nagu leeyihiin Milatariga Mareykanka iyo dowladdoodaba,waxaana ay ku mahadsanyihiin dilka Godane,waxaad ku mahadsantihiin in aad dhameyseen nolosha hoggaamiyihii Argagixisada ee Bariga Afrika,waxaa rajeyneyaa in nolosha iyo horumarka Afrika gaar ahaan bariga uu manta curad yahay”.

Warka macquulka ah islamarkaana yaabka lahaa ayaa ah in Wargeys ka soo baxa Magaalada Paris ee Faransiiska oo lagu magacaabo Le Point uu 12kii September sheegay in xogta lagu dilay Amxed Godane ay bixiyeen Ciidanka Faransiiska oo raadinayay Ninkan kaddib markii Amarkaas ay ka heleen Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande,Faransiiska Waxaa ay Godane u raadinayeen lugtii uu kulahaa afduubta labo ka id ah Saraakiisha Sirdoonka Faransiiska oo Julay 14keedii 2009kii laga afduubtay Muqdisho.

Waxaa kale oo uu Faransiiska ka sii careysnaa markii uu isku dayay in Raggaas uu soo furto oo uu mid ka mid ah geeriyooday sidoo kalena ay dhinteen labo ka mid ah Ciidankii kumandoosta ahaa ee loo diray Raggaas in ay ka soo furtaan Al-shabaab,waxaana shilkaas uu dhacay Francois Hollande,waxaana Madaxweyne Holande uu amar ku bixiyay in sirdoonka dalkaas ay keenaan xog kasta oo horseedi karta in la dilo Axmed Cabdi Aw Maxamed.

Markii ugu dambeysay ee weerar uu mareykanka ka fuliyo Soomaaliya waxaa ay ahayd 4tii October 2013kii markaas oo Mareykanku isku dayay weerar Habeen ahaa in lagu qabto sargaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab,kaas oo degganaa guri ku yaalla Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana weerarkii xiga uu ahaa midka lagu dilay Abuu Zubeyr.

Nooca weerarka:Cirka

Goobta:Baraawe:

Tixraac : Washington Post, Voice of America, CBS, Associated Press, BBC, AFP/Twitter, AFP, Bloomberg, Rewards for Justice, Daily Telegraph, CNN, NBC News, Somali government/Twitter, Associated Press, Associated Press, Reuters, US DoD, Australian Associated Press, Le Point (Fr), Horseed Media, Voice of America.

la soco qeybta 14aad.

Soomaaliyeyn: Aadan Ibraahim Faarax (Showqi)

Mustaqbal Radio

68 comments

  1. I really liked your blog post.Really thank you! Really Cool.

  2. to some friends ans also sharing in delicious.

  3. I think this is a real great article. Will read on

  4. Spot on with this write-up, I actually assume this website wants rather more consideration. I all probably be once more to learn way more, thanks for that info.

  5. You made some really good points there. I checked on the web to find out more about the issue and found most people will go along with your views on this web site.

  6. Very good info. Lucky me I ran across your website by chance (stumbleupon). I have book marked it for later!

  7. wonderful post, very informative. I wonder why the other specialists of this sector don at realize this. You must proceed your writing. I am sure, you ave a great readers a base already!

  8. with spelling issues and I to find it very troublesome to tell the reality then again I all surely come again again.

  9. You ave made some good points there. I looked on the web for more information about the issue and found most individuals will go along with your views on this website.

  10. It’а†s really a nice and useful piece of information. I’а†m satisfied that you shared this useful information with us. Please keep us up to date like this. Thank you for sharing.

  11. I wanted to thank you for this fantastic write-up, I certainly loved each and every small bit of it. I ave bookmarked your web site to look at the latest stuff you post.

  12. Wow, superb blog layout! How long have you been blogging for? you make blogging look easy. The overall look of your site is excellent, let alone the content!

  13. ohenk you foo ohw oipt. Io hwkpwt mw e koo.

  14. I truly appreciate this blog post.Really looking forward to read more. Great.

  15. Very good article.Much thanks again. Much obliged.

  16. Only wanna remark that you have a very nice internet site , I the design and style it actually stands out.

  17. Right now it looks like BlogEngine is the top blogging platform available right now. (from what I ave read) Is that what you are using on your blog?

  18. IaаАа’б‚Т€ТšаЂаŒаАа’б‚Т€ТžаБТžd need to check with you here. Which is not something I normally do! I enjoy reading a post that will make men and women believe. Also, thanks for allowing me to comment!