Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Wolverhampton oo ku raad joogta xidig City muhiim u ah.

Wolverhampton oo ku raad joogta xidig City muhiim u ah.

Daafaca kooxda Manchester City Eliaquim Mangala ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda Wolverhampton Wanderers.

Sanadkii 2014, City ayaa ku iibsatay £ 32m Porto, lakiin inkastoo daafaca dhexe uu 79 kulan u saftay tartamada oo dhan, ma uusan helin boos joogta ah.

Mangala ayaa saameyn ku yeeshay Valencia xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin ma ahan mid ku filan inuu helo fursad kale oo uu ku hoos ciyaaro Pep Guardiola, 27 jirkaan ayaana diyaar u ah inuu xagaaga ka huleelo City.

Sida laga soo xigtay The Sun, Wolves ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqaan, waxaana ay isku diyaarinayaan inay la kulmaan dalabaadka mushaharka Mangala, iyadoo aan loo baahneyn inay bixiso lacagta lagu iibsanayo saxiixiisa.

Mangala ayaa haatan dhaawac kaga maqan City oo ka soo gaaray kulankiisii ​​labaad ee amaahda ee Everton, lakiin taasi kuma filneyn inay joojiso Wolves inay isku daydo inay heshiis la gaarto.

Ciyaaryahankan waxaa matalayay wakiil sare Jorge Mendes, oo kaalin ka qaatay Fosun International oo ku guuleystey koobabkii  Championship.