Home - Wararka Somalia - Xildhibaan Dalxa “Iscasilaadii Jawaari wax dib u dhac ah kuma ridi doonto Shaqada Baarlamaanka”

Xildhibaan Dalxa “Iscasilaadii Jawaari wax dib u dhac ah kuma ridi doonto Shaqada Baarlamaanka”

Kadib casilaadii gudoomiyihii golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusman jawaari , oo si  rasmi ah u xaqiijiyay isbuucii tagay inuu iskaga tagay xilkii afhayeenimo.kadib muddo ku dhaw bil oo ay xildhibaanada Golaha Shacabka  ku kala qaybsanaayeen  mooshin laga keenay,  maalmihii  udambeeyay  waxa ay arrintu isu badashay  hadal hayanta  su’aalaha laxiriira waxa xigi doona iscasilaadiisa iyo cidda laga yaabo inay shaqada kabadasho,kuwaas oo ay  aad isu waydiinayeen qaybaha kala duwan ee bulshada rayidku.

15; maalmood oo ka bilaabanaysa maalinkii uu iscasilaadda kudhawaaqay gudoomiyihii hore ayaa looga baahanyahay golaha shacabka inay kusoo doortaan qofkii noqon lahaa afhayeenka xiga,   kaasoo laga sugi doono shaqooyin waawayn sida  maareynta baarlamaanka, kasbashada kalsoonida shacabka iyo inuu la shaqeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha howshaas oo ahayd mid aan sahlaneyn marka dib loo fiirsho dawladihii is xigxigay.

 Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waa 73; jir ,  sanadkii  1982 kii ayuu ka  qalin jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, xiligaas kahor waxa uu qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo  mid laxirirta  sharciga Islaamka ah, wixii intaa kadambeeyayna waxa uu hay’adaha sharciga qaabilsan la shaqaynayay muddo aad udheer ilaa uu mudooyinkii dambe noqday shakhsi ixtiraam gaar ah lagu siiyo aqoontiisa  arimaha sharciga ku saabsan , dad badan ayaa aaminsan in badalidda gudoomiye noocaas ah aysan ahayn talaabo fiican, haddana mar hadayba dhacday barlamanku shaqadiisa si lamid ah sidii hore ma usii wadi karaan, saamaynse bixintaanka jawaari maku yeelankartaa hawlihii socday iyo kuwii laqorsheeyay in kalfadhigan 3aad  gudihiisa lagu dhameeyo.

Su’aalahaas iyo kuwa kale oo laxirira cidda xaqa uleh inay utartanto xilka gudoomiynimo waxa aan waydiinay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo kamid  ah xildhibaanada golaha shacabka , Nasriin Maxamed Ibraahim ayaa marka hore su’aashay  waxa ay tahay shaqada xigta ee barlamanka mar haddii uu dhamaaday buuqii kadhashay mowshinkii laga keenay Jawaari isagiina uu iscasilay , waxa una ku jawaabay.

 

      WAREYSI XILDHIBAAN M C DHALXA BY NASRIIN 16-04-2018

4 comments

  1. I cannot thank you enough for the blog.Really looking forward to read more.

  2. Awesome post.Thanks Again. Awesome.

  3. I appreciate you sharing this post.Thanks Again. Really Great.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*