Home - Wararka Somalia - Xildhibaan Zakariye: Qalbi-dhagax waa in la soo celiyaa,qof kalena aan la dhiibin”

Xildhibaan Zakariye: Qalbi-dhagax waa in la soo celiyaa,qof kalena aan la dhiibin”

Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Baarlamaanka laga rabo in ay warqad u qoraan Dowladda Ethiopia oo ay ku dalbanayaan sidii loo soo celin lahaa Qalbi Dhagax

“Waxaan rabaa Gudoomiye arrintan siday aheyd baa loo abaaray oo ah labo qodob oo ugu muhiimsan oo ah wixii la sameeyay in ay sharci-darro ahaayeen, sidaa darteed waxaa muhiim ah, waxaa la yiraahdaa caano daatay, dabadooda ayaa la qabtaa, talooyinka la soo jeediyay.”

“In marka ugu horeysa Baarlamaanka go’aanka lagu daro, in dowladda Itoobiya baarlamaanka warqad u diraan, lagu soo celinayo, Maadaama xaq-darro dhacda hala soo celiyo waa in la yiraahdaa ama ciddii bixisay oo xukuumadda aheyd tiraahdaa hala soo celiyo, haddii wax naga dhaxeeyaan, daris ayaanu nahay, Maadaama qalad dhacay, Hala soo celiyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray “Cid dambe oo Soomaali ah ama muslim ah in aan la dhiibin, cidii dhiibtaana ay dambiile tahay, taasina waa in ay noqotaa go’aan Baarlamaanka soo saaro.”

Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa u muuqda mid dusha laga saaray Taliyihii hore ee NISA C/laahi Sanbaloolshe oo dusha loo saaray arintaasi.

One comment

  1. It is truly a nice and helpful piece of information. I’m glad that you simply shared this helpful information with us.
    Please stay us up to date like this. Thank
    you for sharing.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*