Home - Wararka Somalia - Xildhibaannadii sameystay madasha Horusocod oo beeniyay in ay mucaaradyihiin

Xildhibaannadii sameystay madasha Horusocod oo beeniyay in ay mucaaradyihiin

Xildhibaanno ka tirsan DGolaha shacabka islamarkaana dhawaan magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Madal ay u bixiyeen horusocod ayaa sheegay in aysan ahayn mucaarad ka dhan ah dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaannadan oo maanta kula ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan mucaarad ahayn laakiin ay u jiraan kaliya dhowr hadaf oo gaar ah.

Kulanka Maanta ayaa waxaa shir guddoominayay C/rashiid Maxamed Xiddig oo la sheegay in uu hormuud u yahay Madasha Nairobi lagu dhisay ee la sheegayo in ay waddo mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka ay maanta yeesheen ayey ku beeniyeen warar lagu qoray Baraha Bulshada oo sheegayay in ay mooshin ka wadaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo,waxaana ay ku tilmaameen war aan sax ahayn.

Kulankan ayey ka sheegeen in Madasha horusocod tahay madal la doonayo in looga dhamaado Qabyaaladda islamarkaana lagu joojiyo ,waxaana ay ku dareen in aysan iyaga ahayn Dowlad Dumis.

Madashan ayey sheegeen in ay tahay madal ay leedahay umadda Soomaaliyeed islamarkaana uu ka qeyb geli karo qofkasta oo Muwaaddin Soomaaliyeed ah.

Ilaa Bisha Julay ayey sheegeen in ay madashan furantahay,waxaana ay ujeedadoodu ku sheegeen in laga gudbo qabyaaladda loona gudbo hannaanka Axsaabta,madashana loo dhisay in ay muujiso kaliya  dhaliilaha Togan ee dowladda.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo