Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Xiriirka FA-ga Ingiriiska: Oo soo diiday Racfaan ay Liverpool ka qaadatay Ganaaxii Sadio Mane”

Xiriirka FA-ga Ingiriiska: Oo soo diiday Racfaan ay Liverpool ka qaadatay Ganaaxii Sadio Mane”

Xidiga  Liverpool ee Sadio Mane ayaa mari doona ganaax sadex kulan ah madama uu casaan qaatay kulankii ay kooxdiisa guuldarada kala kulantay Manchester City todobaadkaan kadib markii lasoo diiday racfaankii ay kooxdiisa qaadatay sida ay ku dhawaaqeen xiriirka kubadda cagta Ingiriiska.

Mane wuxuu seegi doonaa kulanka ay kooxdiisa Anfield kusoo dhaweyn doonto Burnley isbuuca soo aadan, sidoo kale safarka ay King Power Stadium ku tagi doonaan markaas oo ay halkaas kusoo ciyaari doonaan kulan ka tirsan koobka Carabao Cup iyo isla kulan kale oo ka tirsan horyaalka oo ay la ciyaari doonaan isla Leicester City.

Mane wuxuu gudoomay casaan toos ah markii uu wajiga ka haraatiyay goolhayaha Man City Ederson  oo ay kubad ku wada dagaalameen kulankii Etihad ka dhacay Sabtidii, Mane kabahiisa ayaana si weyn u dhaawacay wajiga xidiga reer Brazil.

Garoonka ayaa laga qaaday goolhayaha reer Brazil madama uu awoodi waayay inuu dhameysto ciyaarta iyadoo lagu badalay Claudio Bravo.

Jurgen Klopp oo wax laga weydiiyay sida uu u arko shilkaas ayaa yiri kadib kulankii Etihad Stadium: “Waxey noqoneysaa waqti lumin kale, sida kulanka maanta”

“Waxey ila tahay in qof walba uu ogyahay in Mane uusan u jeedin goolhayaha, mana uusan heysan hal ilbiriqsi oo uu ku eego. kaliya wuxuu doonayay inuu kubadda helo sida ugu macquulsan. waxaan rajeynayaa in goolhayaha uusan dhaawac xun gaarin”

“Mane  aad ayuu uga carooday, kuma heyn karin ciyaarta, wuu la yaabay sidey xaaladu tahay, waana hubaa inuu la yaabay go’aanka” ayuu yiri tababare Klop.

W\Q: Maxamed Ahmed (Liyo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*