Home - Wararka Somalia - Xuska Calanka Somaliya oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Xuska Calanka Somaliya oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya,Ra’islawasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadweyne Soomaaliyeed ayaa xalay waxaa ay ka qeyb galeen munaasibad lagu xusayay Sanadguurada 63aad ee ka soo wareegtay aas aaska Calanka Soomaaliya.

Ra’islawasaaraha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa inta badan khudbaddiisu ku socotay naraarujin iyo digniin uu u dirayay dad uu sheegay in ay dan gaar ah leeyihiin.

Ra’isalwasaaraha ayaa Dadka Soomaaliyeed uga hambalyeeyay Minaasibadda isaga oo ku baaqay in Dadkii Somalida hadda joogta calankan soo gaarsiiyay ay ku daydaan.

Ra’isalwasaaraha oo si dulmar ah uga hadlayay siyaasadda Soomaaliya halka ay mareyso ayaa sheegay in Madaxda dowladda Fderaalka ah aysan ka niyad jabeynin buuqa siyaasadeed ee hadda ka jira dalka.

Waxaa uu ka digay dad uu sheegay in ay leeyihiin dano gaar ah oo sameynaya dhaliil wax dumineysa,kuwaas oo uu sheegay in kaliya ay leeyihiin in ay meesha ka saaraan dowladnimada Soomaaliya ee soo iftiintan sida uu hadalka u dhigay.

Ra’islawasaara Xasan Cali Kherye ayaa ku faanay in dowladda hadda jirta aysan meel cidlo ah uga tageynin dadka Soomaaliyeed waxaan uu intaas ku daray in ilaa dhamaadka ay dowladda shaqeyn doonto.