Home - Wararka Somalia - Yemen oo Sheegtay in Qaxooti Soomaali ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya.

Yemen oo Sheegtay in Qaxooti Soomaali ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya.

Sida ay ku warantay Hay’adda Socdaalka Aduunka maanta oo Talaado ah, waxaa gudaha Soomaaliya dib ugu soo laabtay Qaxooti Soomaali ah oo gaaraya 134 qof, kana soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi.

Saam Al-Mucalimi Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta Xafiiska Socdaalka ee Dowladda Yemen ayaa sheegay in Doon ay saarnaayeen dadkaan gaaraya 134 qof in ay Gelinkii dambe ee shalay kasoo amba-baxday Xeeb dhacda Koofur Galbeed Magaalada Cadan, soona aadeen dhanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay dadkaani yihiin qeybtii 21-aad ee laga soo daad gureeyo Yemen, iyadoona ay kaashanayaan Hay’adda Qaramada Midoobe u xilsaaran Qaxootiga.

Al-Mucalimi ayaa intaa raaciyey in dadkaan ay ku jiraan dad dib ugu laabtay Yemen Sanadkii 2016-kii, Qiimaha dadka ay Soomaaliya kusoo gaarayaan ayuu sheegay in ay sarakaceysay tan iyo November.

Marka laga soo tago dadka Yemeniyiinta, Colaadda ka jirta dalkaasi waxa ay saameyn ku yeelatay dadka ajaanibta ah oo ay kamid yihiin Soomaalida.

Dadka dib ugu soo laabanaya Magaalada Cadan, ayaa horay ugu noolaa Magaalada Sanca oo ku jirta gacanta Maamulka Kooxda Xuutiyiinta.

Qaramada Midoobe ayaa ka deerineysa Xaaladda Shacabka Yemen iyo kuwa Soomaalida, Itoobiyaanka iyo Eretariyaanka ah ay ku sugan yihiin.

Soomaalida, Itoobiyaanka iyo Eretariyaanka ayaa Marin Socod ka dhigta Yemen, si ay kaga sii gudbaan Boqortooyada Sacuudiga, waa kahor Colaadda ka jirta Yemen.