Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Zenit oo labo xidig ka dooneysa Roma.

Zenit oo labo xidig ka dooneysa Roma.

Kooxda Zenit ee ka ciyaarta horyaalka Russia ayaa dooneysa laba xidig oo kawada tirsan kooxda AS Roma ee ka ciyaarta horyaalka Seria A.

Kostas Manolas iyo Leandro Paredes ayaa ah labada xidig ee ay kooxda Zenit ka dooneyso garoonka Olombiko iyada oo ku dooneysa €70 Million oo Euro.

Wada hadalada xidiga Manolas ayaa maraya heer wanaagsan waxaana ay kooxda Russia ku dooneysaa €35 – 40 Million oo Euro xidiga reer Greace.

Kooxda Reer Russia ayaa dhanka kale dooneysa saxiixa xidiga Argentina ee qeybta dhexe ka ciyaara waxaana ay doonayaan inay ku garaacaan saxiixa labadaan xidig kooxaha kale ee doonaya.